KEYLA NEWS DAILY | SÉRGIO CONCEIÇÃO SET TO LEAVE AL ITTIHAD
KEYLA NEWS DAILY | SÉRGIO CONCEIÇÃO SET TO LEAVE AL ITTIHAD ⚫🟡
Sérgio Conceição ayaa lagu wadaa inuu ka tago doorkiisa tababarenimo ee Al-Ittihad Club kadib heshiis wada ogol ah (mutual agreement) oo uu la gaarayo kooxda.
Tababaraha reer Portugal ayaa hadda wada-hadallo la xiriira qodobada heshiiskiisa ugu dambeeya kula jira maamulka kooxda, kahor inta uusan si rasmi ah uga bixin kooxda reer Sacuudi Carabiya.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in marka heshiiska bixitaanka la dhameystiro, Conceição uu diyaar u noqon doono inuu dhageysto dalabyada uga imaan kara kooxaha Yurub.
Sérgio Conceição ayaa ah tababare khibrad badan leh, waxaana la filayaa in kooxo badan oo Yurub ah ay xiiso u muujiyaan haddii uu si rasmi ah uga tago Al Ittihad.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay wax badan caddeeyaan mustaqbalka tababaraha reer Portugal.
KEYLA NEWS DAILY SPORTS ⚽🔥 #AlIttihad #SergioConceicao #TransferNews #FootballNews #KeylaNewsDaily
Comments
Post a Comment