KEYLA NEWS DAILY | ENZO MARESCA NEW MANCHESTER CITY MANAGER UPDATE 💙🔥

 

5

KEYLA NEWS DAILY | ENZO MARESCA NEW MANCHESTER CITY MANAGER UPDATE 💙🔥

Waqti cusub ayaa u muuqda inuu ka bilaabanayo Manchester City, iyadoo warar badan ay sheegayaan in Enzo Maresca uu heshiis saddex sano ah saxiixay si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda ilaa bisha June 2029.

Maresca ayaa la sheegay inuu si buuxda uga qeyb qaadan doono qorshaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan, taas oo muujineysa kalsoonida weyn ee maamulka Manchester City ay ku qabaan tababaraha reer Talyaani.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa horay uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo qeyb ka ahaa shaqaalaha tababare ee Pep Guardiola, taasoo ka dhigeysa shaqsi si fiican u yaqaan nidaamka kooxda.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Pep Guardiola uu ka tagayo kooxda kadib waqti taariikhi ah oo uu koobab badan kula guuleystay Manchester City, iyadoo maamulka kooxda ay Enzo Maresca u arkaan shaqsiga ku habboon inuu bilaabo bog cusub oo kooxda ah.

“HERE WE GO” 💙🆕 — heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay mid la isku afgartay, waxaana dhawaan la filayaa bilowga rasmi ah ee xilli cusub oo Manchester City ah.

#KeylaNewsDaily #MCFC #EnzoMaresca #ManchesterCity 💙🔥

Comments